Muddo lix maalmood ah kadib, Kooxda Villa Soomaaliya ayaa war kasoo saartay markabkii waday hubka ee maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay maalinkii jimcaha ee aynu soo dhaafnay.
Kooxda Gurguurte ayaa sheegtay in markabnkaasi uu u socday magaalada Mogdisho si gaar ahna looga leeyahay xerada Turkisom, iyadoo falkaasi ku tilmaamtay mid burcadnimo ah.
"Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soaomaalida iyo , Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah…” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kooxda Villa Somaliya.
Xukumada Xasan Gurguurte ayaa dalbatay in markabkaasi si deg deg ah loo soo celiyo iyadoo hanjabaad hawada u mairsay maamulka Siciid Dani sheegtayna in ay qaadi doonto taallabo ay isaga difaacayso xad-gudubka ay sheegtay in uu kaga yimid dhinaca Pubtland.
"Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Xasa Gurguurte.
Bayaanka oo sii socda ayaa yiri "Sii heysashada sharci-darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalku ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaaddo goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo, tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.".