Taliyaha Booliska maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa ka hadlay laba wiil oo dhalinyaro ah oo lagu diley Hargeysa 3 maalin ka hor.
Ninka lagu magacaabo Cabdi-Dheere oo ah Taliyaha ayaa sheegay in wali ay ku daba jiraan qofkii dilka geystay oo illaa hadda la la’ yahay.
Waxaanu sheegay in muddadii uu xilka hayey ay Somaliland ka dhaceen 31 dil isla markaana ay soddon kamid ah gacanta ku dhigeen halka wali la la’yahay gacan-ku-dhiiglahan ugu dambeeyay meel uu raq iyo ruux dhigey.
"inamada dhintey ehelkoodii waanu is aragnay waanay nagu qanacsan yihiin, baaritaan baanan ku jirnaa” ayuu yiri
Dhanka kale wuxu ka hadley Cabdi-Dheere bannaanbaxyo ka dhacey deegaanno kamida Berbera iyo Hargeysa isaga oo sheegay in aan la siyaasadeyn dilka dhacey.
"in la siyaasadeeyo maaha arrimaha amniga, amnigu waa lama taabtaan” ayuu raaciyey