Xildhibaannada DF Somaliya ee ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ayaa shaaciyay inay fashil kusoo idlaadeen shirar labadii bilood ee lasoo dhaafay dhexmaray siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxa kooxda Villa Somaliya.
War qoraal oo ay soo saareen ayay xildhibaanadan mucaaradka ah ayay walaac kaga muujiyeen xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay ku sugan tahay kooxda Villa Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in muddo laba bilood madaxa kooxdasi ay la galeen shirar aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
Shirkii u dambeeyay ayay sheegeen in lagu kala dareeray iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo laga gaaray khilaafkii ka dhex-aloosnaa labada dhinac ee sababay inay mucaaradku samaystaan isbahaysi ay ku mideysan yihiin oo ka dhan ah Xasan Gurguurte.
Nuqul ka mid ah qoraalka xildhibaannada mucaaradka ayaa lagu yiri” Waxa kale oo xildhibaanadu ka welwel-sanyihiin in ayadoo umadda Soomaliyeed ka war-sugaysay mudo laba bilood ah, shirarkii u dhexeeyey Hassan Sheekh iyo Mucaaradka, naawilayeena in ay ka soo baxaan go’aano waxtar leh, ay nasiib daro tahay in shirkii u dambeeyey ee shalay 20/07/2025 uu kusoo dhamaaday, natiijo la’aan, iska dabo wareeg iyo rajo-beel”.
Waxay ugu dambeyn mucaaradku soo jeediyeen in laga hortago qorshaha uu wato Gurguurte, waxaanay xildhibaannada ugu baaqeen in ay qaadaan talaabo kasta oo lagaga hortegayo, laguna xakamaynayo waxay ugu yeereen damacyada guracacan ee xukuumaddu ay ku talaabsanayso.
Kulamadan oo ahaa kuwa ay amreen waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa fashil kusoo dhamaaday, waxayna u muuqataa inay mucaaradku dib u billaabi doonaan qorshahooda mucaaradnimo ee ka dhanka ah Gurguurte iyo kooxdiisa.