DEG-DEG: Dagaal culus oo ka socda magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Tuesday July 22, 2025 - 13:25:34
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo culus ay halkaas ku dhaxmarayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Villa Somaliya iyo kuwa kale ee daacadda u ah maamulka Jubbaland.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska hor'imaadyadu ay bilowdeen daqiiqado kadib markii xero ciidan oo kooxda Villa Somaliya ay ku leedahay duleedka magaalada uu kasoo degay Cabdirashiid Janan oo kooxda Gurguurte ay maalmo ka hor xil u magacaawday.

Xogtu waxay sheegaysaa in dagaalku uu sii xoogeystay iyada oo xarunta Degmada ay la wareegeen maleeshiyaad taabacsan Maamulka Axmed-madoobe.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Al-Qaadi oo direyska ciidanka xiran ayay Kaameradu qabatay.

Rasaasta culayskeedu waxay ka socotaa aagga Xarunta Hey’adda Socdaalku ay ku leedahay degmadaaasi oo sida la sheegay uu ku sugan yahay C/Rashiid-Janan.

Dagaalku sidoo kale wuxuu ka socdaa dhowr aag oo kale sida aagag markii horeba ay isku hor fadhiyeen labada maleeshiyo.

Inkastoo dhinacyadu aanay weli ka hadal dagaalkan, hadan warar aan la xaqiijin oo horu-dhac ah ayaa tibaaxaya in labada dhinacba uu jiro khasaare soo kala gaaray oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Waxaa xusid mudan in kooxda laga saaro magaaladu ay halis ku jirto maadaama daafaha magaalada ay fadhiyaan jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences