Dhulka oo sameeyay wareeggii ugu dheereeyay taariikhda [WARBIXIN]

Tuesday July 22, 2025 - 14:18:56
Liibaan Jeexoow
Arrin muujinaya isbedellada zamankan ayaa laga diiwaan geliyay dunidan aan ku noolnahay.
Maanta oo ay taariikhdu tahay Talaado 27 Muxarram 1447 ayaa caalamka laga diiwaangeliyay wareegii ugu gaabnaa ee Dhulka uu sameeyo tan iyo markii la bilaabay cabbirka saxda ah ee waqtiga.

Dhulka ayaa ku dhameystay wareegiisii 24-saac ah iyadoo uu ka dhinnaa 1.36 millisecond waqtigii caadiga ahaa ee 86,400 ilbiriqsi.

Arrintan lama filaanka ah ayaa keentay walaac ay muujiyeen khubaro ku takhasusay cilmiga saadaasha hawada, xiddigiska, iyo farsamada waqtiga, kuwaas oo ka digaya in isbeddelkaani saameyn ku yeelan karo nidaamyada xasaasiga ah sida hababka hagista (GPS), isgaarsiinta dayax-gacmeedyada, iyo nidaamka waqtiga caalamiga ah ee loo yaqaan (UTC).

Hay’adda cirbixiyeennada Mareykanka ee loo yaqaan NASA ayaa sheegtay in sababaha ugu waaweyn ee isbeddelkan ka dambeeya ay yihiin dhalaalka barafka ee joogtada ah iyo daciifnimada Maqnaadiista dhulka, taasoo saameynaysa hab-dhaqanka wareegga meeraha.

Khubarada ayaa sidoo kale xusay in haddii isbeddelkan sii socdo ama soo noqnoqdo laga yaabo in la tixgeliyo in dib loogu noqdo isticmaalka "leap second" oo ah waqti yar oo lagu daro ama laga jaro saacadda si loo waafajiyo wakhtiga dhabta ah ee dhulka.

Sida ku cad Axaadiithta Nabiga SCW marka uusoo dhowyahay aakhiru zamaanka wuxuu insaanku dib ugu laaban doonaa dhaqamadii hore waxaana baabi'i doonta xadaaradda hadda lagaaray balse ma jirto cid sheegi karto in waxa hadda soo ifbaxay ay yihiin tilmaamihii ay diinteenu sugtay iyo in kale.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

Related Items

Update cookies preferences