"Weerarro ay qaadeen Jihaadiyiinta Al-Shabaab oo socday muddo bilooyin ah ayaa sababay in ay kala daataan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, oo caalamku uu ku kharash-gareeyey Balaayiin Doollar oo taageero ah", ayaa lagu bilaabay warbixin ay maanta baahisay wakaaladda wararka Faransiiska ee loo yaqaan AFP oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer adduunka.
Warbixinta waxaa lagu soo hadal-qaaday dagaalkii ay jihaadiyiintu kula wareegeen degmada Moqokori oo ay ku tilmaantay mid ka mida guul-darrooyinkii ugu dambeeyey ee sanadkan soo food-saaray kooxda Villa Somaliya, gaar ahaan maleeshiyaadkeedii ka dagaallamayay deggaannadaasi ee uu ku adeeganayay Xasan Gurguurte, sida AFP uu u sheegay Cumar Maxamuud oo ka tirsan hey’adda la baxday Xasaradaha Adduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo ICG.
AFP Waxay xustay in kooxda Villa Somaliya oo dagaal kula jirtay jihaadiyiinta muddo ku siman 23 sano, ay haatan u muuqato mid fashilantay, xilli ay wajahayso dhibaatooyin ay ka mid yihiin hoos u dhaca taageerada caalamiga ah, maleeshiyaad niyad-jabsan iyo is-qabqabsi siyaasadeed.
Deggaannadii jihaadiyiinta laga riixay 2022 ilaa 2023 ayay warbixintu xustay inay dib u soo ceshedeen 90%, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay Rashiid Cabdi oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee loo yaqaan Sahan Research.
Magaalooyin ay ka mid yihiin Masaajid Cali Gaduud iyo Aadan Yabaal oo tusaale u ahaa hawl-galka kooxda Gurguurte ayay warbixintu xustay in gacan-ku-heyntooda ay la wareegeen dagaalyahannada Al-Shabaab, iyo weliba buundooyin muhiim u ahaa saadka maleeshiyaadka Gurguurte.
"Dhammaan dhulka ka soo bilaabma waqooyi-galbeed ilaa koonfur-galbeed ee Muqdisho intooda badan waxaa hadda gacanta ku haya Al-Shabaab," ayuu Rashiid Cabdi u sheegay AFP. Waxaanu intaas ku daray in gebi ahaanba ay burbureen maleeshiyaadkii macawisleyda loo yaqaanay ee Xasan Gurguurte uu ku adeegan jiray.
Sidoo kale Rashiid Cabdi waxa uu ka sanqariyey in maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha uu Maraykanku carbistay ee Danab ay la kulmeen khasaare baaxad leh oo sababay niyad-jab aad u xooggan oo macnawiyaadkoodii dhulka geliyey. Waxaana hadalladiisi ka mid ahaa "Waxaan aragnay ciidan aan shaqaynayn, isla markaana lumiyay rabitaankii dagaalka,".
Diblomaasi reer-galbeed ah, oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa AFP u sheegay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay si cad u muujiyeen joogitaankooda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaanay si isdaba-joog ah u beegsadaan xerada Xalane oo weerarrada lagu bar-tilmaameedsanayo ay gaareen ayuu yiri heerkii abid ugu sarreeyey.
Sidoo kale diblomaasigani waxa uu carabka ku dhuftay in Xasan Gurguurte laftarkiisu uu si dirqiya uga badbaaday weerar ay jihaadiyiintu dhowr bilood ka hor ku bar-tilmaameedsadeen isagoo la socda baabuur kolonyo ah oo maraysay afaafka madaxtooyada ee Villa Somaliya.
Waxa kale oo diblomaasigani hoosta ka xariiqay in marnaba aanay Muqdisho ka dhici doonin qabashada doorashada uu ku hadaaqayo Xasan Gurguurte, maadaama ayuu yiri jihaadiyiintu ay awood u leeyihiin goob kasta oo cod-bixineed inay tallaabo ka qaadaan.
Wakaaladda Wararka AFP waxay ka dhawaajisay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay inta badan gacanta ku hayaan dhaqaalaha, waxaanu Rashiid Cabdi oo ay soo xigatay uu u sheegay in jihaadiyiintu ka dhaqaale badan yihiin kooxda Villa Somaliya, isla markaan ay yihiin mid ka mida kooxaha ugu qanisan qaaradda Afrika.
Warbixinta oo geesta kalena tilmaamaysa sida ay meesha uga sii baxayso taageeradii dhaqaale ee dawladaha shisheeye ayaa sheegtay in Midowga Yurub iyo Mareykanku ay ku kharash-gareeyeen kooxda riddada in ka badan $ 7 Bilyan oo Doollar, gaar ahaan howl-galladii loo wakiishay Midowga Afrika tan iyo 2007-dii, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Machadka Daraasaadka Amniga ee Midowga Yurub.
Hawl-galkii hore ee Midowga Afrika ayay warbixintu tibaaxday inuu dhamaaday bishii Disember, iyadoo isla markiiba lagu beddelay mid cusub oo loo xiray shaatiga AUSSOM, sababtoo ah ayay tiri fashilka maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya oo aan u diyaarsanayan inay la wareegaan amnigooda.
"Waxaa jira daal badan oo dhanka deeq-bixiyeyaasha ah. Dadku waxay isweydiinayaan: Maxaan ku iibsanay 10-kii sano ee la soo dhaafay? In la arko ciidanka oo cararaya iyo in la abuuro AUSSOM waxay ahayd wax aad ugu adag dadka," ayuu yiri diblomaasigan reer-galbeedka ah isagoo u warramaya Wakaaladda Wararka Faransiiska AFP.
Warbixintu waxay xustay in dalalkii dhaqaallaha ku bixin jiray duullaankan ashahaado-la-dirirnimo ee lagu soo qaaday Soomaaliya, oo Maraykanku uu ka mid yahay ay haatan ka caga-jiidayaan sii wadista maal-gelinta hawl-galkan. Waxaanu mid ka mida falanqeeyayaashu uu u sheegay AFP in haatan xaaladdu ay marayso heer gabaabsiya.
AFP waxay tilmaantay in heshiisyo amni oo kooxda Gurguurte ay la gashay dalalka Qadar, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Turkigu aanay guul ka keeni doonin la-dagaallanka Al-Shabaab, maadaama ayay tiri dalalkani ay ilaashanayaan danahooda dhaqaale ee ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.
"Waxaan wajahaynaa xaalad aad u murugo badan," ayuu ku calaacalay Rashiid Cabdi u warramay AFP, isagoo muujiyey werwerka iyo walaaca dul-hoganaya kooxda Villa Somaliya, Waxaana oraahdaasi lagu soo af-meeray warbixintan ay diyaarisay Wakaalada Wararka Faransiiska AFP, oo sidoo kale isla maantaba ay xigteen war-fidiyeenno waaweyn oo caalamiya.