Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashey abaaro soo foodsaarey deegaanno ka tirsan Gobolka Awdal ee Somaliland.
Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta guddoomiyey shirkii Golaha Wasiirrada ee DF ayaa hay’adaha xukuumaddiisa ugu baaqey in ay si degdeg ah gurmad u gaarsiiyaan deegaannada Saylac iyo Lughaya oo ka tirsan Awdal.
Geesta kale waxa uu Xamse ugu baaqey dadka Soomaaliyeed iyo "Hay’adaha Caalamiga ah” in ay u gurmadaan dadka abaartu saamaysay.
Maamulka Somaliland oo ka taliya Gobolka Awdal ayaa hore u magacaabey Guddida Gurmadka Abaaraha oo ka koobnaa 22 xubnood.
Abaarta soo foodsaartey gobolka ayaa ka dhalatey kaddib markii ay baaqdeen roobabkii gu’ga ee sannadkan.
Deegaannada Soomaalida ayaa dhowrkii sanoba mar waxa ka dhacda abaar baahsan oo dadka iyo xoolahaba waxyeello weyn u geysata.