Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaallo xooggan oo galabta jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte ku dhex-maray deggaan lagu magacaabo Buubiso.
Deggaanka Buubiso ayaa qiyaastii 6 KM oo kaliya u jira magaalada Maxaas. Waxaanay wararku tibaaxayaan in dhirbaaxo kulul lagu dhuftay maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray maleeshiyaadkan galabta lagu xasuuqay duleedka Maxaas.
Xog horu-dhac ah oo goor dhawayd la helay ayaa tibaaxaysa in ugu yaraan dhegta dhiigga loo daray ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, lana dhaawacay ugu yaraan 15 askari oo kale.
Sidoo kale, dagaalkan galabta waxaa lagu gubay gaari noociisu ahaa NOAH, kaas oo lagu soo warramayo in uu lahaa Cali Jeyte. Waxaana xusid mudan in askarta dagaalkan lagu laayay uu ku jiray askari lagu magacaabi jiray Xasan Faarax Guuleed oo ahaa gacan-yarihii Cali Jeyte.
Dhawaan ayey ahayd markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan bariga Hiiraan oo ay kamid tahay degmada Moqokori, halkaasi oo laga sifeeyey maleeshiyaadkii uu ku adeeganayay Gurguurte.
Geesta kale iyo gobolka Banaadir, waxaa habeennimadii xalay ka dhacay hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ku beegsadeen goob fariisin u ahayd maleeshiyaadka Gurguurte.
Goobta la weeraray ayaa ahady fariisin ay kaga sugnaayeen xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ee Muqdisho, waxaana lagu dhaawacay 1 askari.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda, isla markaana ay si weyn u wiiqeen shisheeyihii dalka kusoo duullay iyo maleeshiyaadkii kaba-qaadka u ahaa.