SAWIRRO: Markab hub u siday Villa Somaliya oo Puntland gacanta ku dhigtay.

Saturday July 19, 2025 - 08:28:34
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay markab shixnado hub ah kasoo daabulay mid kamida dowladaha shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed.
Maleeshiyaad daacad u ah maamulka isku magacaabay Puntland ayaa qabtay markab xamuul ah oo saanado hub ah kasoo daabulay dalka Turkiga kunasii jeeday magaalada Muqdisho.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka loo yaqaan PMPF ee Imaaraatku tababaray ay gacanta ku dhigeen markabkan oo sida gaadiid gaashaaman gaar ahaan nuuca loo yaqaan Taawyada, rasaas, qoryo gacmeedyo iyo saanado kale oo kuwa dagaalka ah, iyadoo qaybo ka mid ah sawirradooda la faafiyey.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa markabkan qabtay saacado yar kadib markii uu kasoo gudbay gacanka Cadmeed uuna soo galay biyaha badweynta Hindiya. Waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in goor dhawayd oo saaka ah uu kusoo xidhay magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ashahaadda la dirirka ah ee fadhigiisu yahay Garowe ayaa lagasoo xigtay in shaqaalaha markabka lagu amray in ay u hoggaansamaan awaamiirta ay siinayaan saraakiisha maleeshiyaadka loo yaqaan PMPF.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin kooxda Gurguurte oo la rumeysan yahay in markabkan uu iyada u socday, sidoo kale wax war ah kamasoo bixin dhanka xukuumadda Turkiga oo ku saabsan waxa ay ka ogtahay markabkan dalkeeda ka yimid ee lagu qabsaday biyaha Soomaaliya.

Sanaddii lasoo dhaafay ayay maleeshiyo beeleedyo hubaysanayaa duleedka degmada Balanballe ee bartamaha Soomaaliya ku qabsadeen gaadiid hub fara badan kasoo daabulay dhanka Itoobiya waxaana hubkaas lagu kala qeysaday degmada Caabudwaaq.


Related Items

Update cookies preferences