Hawl-gallo kala duwan ayay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay deggaano ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose.
Wasiirka Dibedda ee Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Axmed M. Fiqi ayaa ka dhawaajiyey in safiirro kamid ah kuwa dalalka shisheeye ee Soomaaliya joogaa in ay ka dageen magaalada Hargeysa.
Yafgiini Terekhin oo ah safiirka dowladda Ruushka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa taageeray qorshaha ay xabashidu ku doonayaan in ay ku qabsadaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Nebiat Getachew oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in qorshayaashii ay ka lahaayeen Soomaaliya ay sidoodii hore u sii socon doonaan, isagoo marnaba aan soo hadal-qaadin diidmada kaga timi DF-ka Somaliya.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa ku geeryoodey habeenkii xalay ahaa magaalada Hargeysa sida ay soo tebiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu hambalyeeyay doorashadii maalintii Arbacada ka dhacdey maamulka la baxay Somaliland taas oo ay ku tartameen Muuse Biixi oo ah madaxweynaha maamulka iyo labada musharrax ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan-Cirro.
Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaadday xerada ciidanka Kenya ee deggaanka Qarso ee hoos-taga degmada Qorof Xaraar ee gobolka Wajeer ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Waxa iska soo daba dhacaya xogo laga helayo doorashadii shalay ka qabsoontey Somaliland taas oo tibaaxaysa in tirinta codadka hordhaca ah uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku horreeyo codad badan.
Xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa maanta weerar culus ku qaaday maleeshiyaadka Axmed-madoobe ee deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka Kismaayo.