Ingiriiska oo albaabada isugu dhuftay saldhiga ciidan oo ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo.

Friday July 18, 2025 - 20:08:28
Liibaan Jeexoow
Sida uu sheegay safiirka dowladda Ingiriiska ninka lagu magacaabo Charles Nicholas King ayaa shaaca ka qaaday In Ingiriisku uu ka guuray saldhig ciidan oo ay ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Nicholas King ayaa sheegay in saldhiggan uu sidoo kale ahaa xero lagu tababaro maleeshiyaadka Laftagareen ee ku sugan magaaladaasi, iyadoona saldhiggaan laga furay sanadkii magaalada Baydhabo sanadkii 2019-kii

Saldhiggaan uu Ingiriiska ku lahaa Baydhabo ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka socday dowladda Ingiriiska iyo saraakiil Tababarayaal ah kuwaasi oo muddaasi halkaasi ku sugnaa.

Xeradaan ay dowladda Ingiriiska ay ku lahayd magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu tababari jiray maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur-galbeed taasoo horay dowladda Ingiriiska usoo bandhigtay.

Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u taageeri jirtay maamulka Koonfur galbeed, iyadoona siin jirtay hub iyo qalab military.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee Ingiriiska uga guuray saldhiggii uu ku lahaa magaalada Baydhabo, balse arrintaan waxay imaanaysaa xilli howlgalada kala duwan ee jihaadiyiintu ay ku sii xoogeysteen gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo, taasoo loo badinayo inay dowladda Ingiriiska ku qasabtay inay gabi ahaanba isaga guurto saldhiggii ciidan ee ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo, kadib cabsi amni oo soo wajahay ciidamada iyo saraakiish Ingiriiska ee ku sugnaa saldhiggaasi.

Related Items

Update cookies preferences