USA oo sheegtay in Abiy Axmed ay ku war-gelisay halista ka dhalan karta dagaal uu la galo Ereteriya.

Wednesday July 23, 2025 - 12:11:45
Liibaan Jeexoow
Waxaa cirka iskusii shareertay xiisadda colaadeed oo ka dhax taagan dowladda Xabashida Itoobiya iyo xukuumada Ereteriya waxayna labada dhinac qarka u saaranyihiin in ay dagaallammaan.
Mas'uuliyiin Itoobiyaan ah ayaa ku eedeeyay xukuumadda Asmara in ay kumanaan askari oo dheeraad ah kusoo daad-guraysay gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga Itoobiya.

Jeneraal Tadase Werede oo ah madaxweynaha ismaamulka Tigreega ee taabacsan xukuumadda Addis Ababa ayaa caddeymo cusub oo uu jeediyay ku sheegay in Ereteriya ay kumanaan ka tirsan askarteed usoo dirtay Itoobiya ayna qabsadeen degmooyin iyo tuulooyin xuduudda dhaca.

Tadase wuxuu eedayntiisa ku xoojiyay in garab katirsan jabhadda TPLF oo wada shaqeyn laleh Afawarki ay saanado hub ah kalasoo degeen dekadda magaalada Casab.

Dhinaca kale dowladaha reer-galbeedka ayaa walaac ka muujiyay dagaal ka dhax qarxa labada dhinac, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in uu khadka taleefanka kula xiriiray Abiy Axmed uuna ka codsaday in uu ka baaqsado dagaal uu lagalo Ereteriya.

Xukuumadda Washington waxay muujisay in ifafaalaha muuqda ee colaadda loogu durbaan tumayo uu sabab unoqon doono dagaal lagu hoobto oo dhaxmara labadan dal ee dariska ah.

Madaxweynaha Ereteriya ayaa maalmo ka hor eedayn toos ah u jeediyay Abiy Axmed oo uu ku sifeeyay hoggaamiye macangag ah isla markaana horor ku ah dekadaha Eereteriya.

Related Items

Update cookies preferences