Burhanu Jula oo si adag ugu goodiyey TPLF kuna amray inay soo celiyaan hubkii cuslaa ee ay qarsadeen.

Wednesday July 23, 2025 - 17:00:15
Liibaan Jeexoow
Taliyaha ugu sarreeya millateriga Itoobiya, Birhanu Jula ayaa sheegay in Jabhadda Xoreynta Tigray-ga ee TPLF ay ku hubaysan tahay hubka culus iyo nidaamyada lidka diyaaradaha. Sidoo kalena ay haysato qalab milatari oo farsamaysan, oo madaafiicda iyo taangiyadu ay ka mid yihiin.
Burhanu Jula, oo hadalladan jeediyey isniintii lasoo dhaafay isagoo ka hadlay munaasibad ciidan oo ka qabsoontay magaalada Jimma, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in kooxda TPLF ay haatan ku hawlan tahay soo saarista hub culus oo horey ay u aaseen.

Hadalka Berhanu Jula ayaa yimid iyadoo xukuumadda Abiy Axmed tiraba dhowr jeer ooh ore ay shaacisay in kooxda TPLF ay dhigeen hubka oo dhan marka laga reebo hubka shakhsiga ah, wixii ka dambeeyey heshiiskii Pretoria.

"Waa inaad soo celisaan taangiyada iyo madaafiicda aad qarsateen…” ayuu yiri taliyaha millateriga Itoobiya, isagoo hadda iyo dhowr jeer oo horeba uu si cad u sheegay in kooxda TPLF aanay iska dhigin hubkooda culus.

Burhanu Jula wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Tigreega mooyee aanu jirin gobol kale oo ka mida gobollada Itoobiya oo ku hubaysan madaafiic iyo taangiyo. Waxaanu yiri isagoo arrintaa kasii hadlaya "Tigray waxa kaliya oo lagu hubayn karaa taangiyo iyo madaafiic, marka uu go’o,”.

Waxa kale oo Burhanu Jula uu tilmaamay in Tigreegu aanay xoog ku gu’i karin, balse ay ku gu’i karaan oo kaliya marka ay raacaab hab-raac dastuuriya. Waxaanu intaas ku daray in Tigreegu ay iyagu iska leeyihiin ikhtiyaarka haddii ay doonayaan inay go’aan. Balse wuxuu ku amray inay soo celiyaan hubka culus.

"Qaybo ka mida hubka culus waxaad soo celiseen waagii hore, waxaadna sidoo kale haysataan qaar aad qarsateen oo soo saaristiisa aad hadda ku hawlan tihiin.” Ayuu yiri Burhanu Jula isagoo shaaca ka qaaday in kooxdaasi ay hadda soo saarayso hubkii ay qarsadeen.

Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa kooxda TPLF uga digay inay ka faantamaan warbaahinta, isagoo xasuusiyey dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee socday labada sano waxaanu yiri isagoo arrintaa ka hadlaya "Waagii horena waxaad dagaalka dabada ka riixdaanba, kama aydaan gaarin faa’iido, khasaare mooyee..”

Related Items

Update cookies preferences