Al-Shabaab oo war kasoo saartay hawl-galkii shalay ee khasaaraha badan lagu gaarsiiyey ciidamada huwanta.

Tuesday July 15, 2025 - 17:54:28
Liibaan Jeexoow
Taliska Millateriga Al-Shabaab ayaa goor dhawayd faahfaahin ka bixiyey hawl-galkii naf-hurka ahaa ee shalay lagu xasuuqay ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka Gurguurte. Waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan:
"Camaliyad lagu beegsaday kolonyo saliibiyiin iyo murtadiin ah”

20 Muxaram 1447 H (15 July 2025)

Ciidamada Mujaahidiintu waxay camaliyad istish-haadi ah la beegsadeen kolonyo iskugu jirta saliibiyiinta Afrikaanta ah iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah xilli ay dhaqdhaqaaq ashahaado la dirirnima ah ka wadeen duleedka degmada Afgooye ee Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose.

Camaliyadda istish-haadiga ah ayaa – Allaah fadligiis - sidii loo qorsheeyay u haleeshay kolonyada ciidamada cadawga Islaamka ah, waxaana halkaas ku soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac.

Tirada hordhaca ah ee aan xaqiijinay waa baqtiga 20 askari oo ka tirsanaa saliibiyiinta Yugaandha ah iyo dhaawaca 43 kale, kuwaas oo iskugu jira askar iyo saraakiil. 10 kamid ah saliibiyiintaas dhaawacyadooda aad ayay u daranyihiin.

Sidoo kale waxaa halkaan ku baqtiyay 9 kamid ah maleeshiyada murtadiinta ee dabadhilifka u ah saliibiyiinta, 8 kalena waa dhaawac. Camaliyadda istish-haadiga ah ayaa burburisay gaadiid ciidan oo iskugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa ciidamada lagu daabulo.

Khasaaraha cadawga intaas waa uu ka sii badan karaa, wixii faahfaahin ahna dib ayaan ka soo gudbin doonaa insha’Allah."

Related Items

Update cookies preferences