Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa geeriyoodeen, 10 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii iska hor-imaadyo xooggani ay ka dhaceen deggaannada dhaca soohdinta ay wadaagaan ismaamullada Gambella iyo Koonfur-galbeed Itoobiya.
Isku-dhacyadan oo salka ku haya macdan-qodista Dahabka ayaa si gaar ah uga dhacay deggaanka Dima ee gobolka Anwa oo dhaca deggaanka Gambella iyo Beru oo ka tirsan gobolka Mirab Omo oo hoos-taga deegaanka Koonfur Galbeed Itoobiya.
Ogula Ujulu, Taliyaha Guddiga Booliska ee Gobolka Gambella, ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhacay ka dib markii shakhsiyaad loo fasaxay soo saarista dahabka iyo maleeshiyaad ilaalinayay goobta oo ku taal degmada Dima ay xireen oo ay kaxeysteen ciidamo ka tirsan gobolka Mirab Omo ee deegaanka Koonfur Galbeed Itoobiya.
"Weli ma aanan xaqiijin tirada saxda ah ee dadka ku dhintay iska horimaadka," ayuu yiri Taliyuhu, isagoo intaa ku daray in wixii tafaasiil ah ee dheeraada ay soo saari doonaan waqti ku habboon.
Ato Gemeda Keyidade, Maamulaha degmada Beru ee gobolka Mirab Omo ee deegaanka Koonfur Galbeed Itoobiya, ayaa dhankiisa sheegay in 11 qof oo ka soo gudbay xadka oo watay 1 qori, kuna howlanaa qodista dahabka, gacanta lagu dhigay.
Sarkaalkani waxa uu carabka ku dhuftay in muddadii lagu gudo-jiray baaritaanka eedaysanayaasha ay rasaas kasoo dhacday dhinaca gobolka Gambella, taasoo keentay ayuu yiri dhimashada 3 askari oo boolis ah iyo 7 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan haween, in ka badan 10 qofna ay dhaawacmeen.
Maamulaha ayaa intaa ku daray in dad ka badan 20,000 oo qof oo deggaanka ah ay ku barakaceen iska hor-imaadkan, isagoo intaa raaciyay in ciidanka Xabashida Itoobiya ay goor dambe soo galeen aaggii ay mashaqadani ka dhacday.
Ka gacansiga hubka sharci-darrada ah ayaa lagu soo warramayaa inay sabab u noqdeen dagaallada ka dhaca deggaannadan, taas oo walaac xooggan abuurtay, iyadoo geesta kalena ay sii kordhayaan werwerka laga qabo afduubka carruurta, xatooyada hantida, iyo dembiyada kale oo aad ugu soo batay deggaannadaasi.