SAWIRRO: Maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo la wareegay gacan-ku-heynta Balad Xaawo. [WARBIXIN]

Tuesday July 22, 2025 - 16:46:01
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii maanta labada maleeshiyo ee Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe ku dhex-maray magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Sida wararkii ugu dambeeyey ee soo baxay ay sheegayaan inta badan magaalada waxaa gacanta ku dhigay maleeshiyaadka maamulka Jubbaland. Halka maleeshiyaadka Gurguurte lagu kuusay xerada ciidanka ee UK ee duleedka magaalada.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaal culus kadib ay la wareegeen gacan-ku-heynta magaalada Balad Xaawo.

"Inkasta oo uu dhacay dagaal xooggan, haddana ciidamada Jubbaland iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya ayaa difaacay magaalada, haatanna gacanta ku haya amniga magaalada iyo kan degmada Baladxaawo guud ahaan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Axmed-madoobe ayaa dagaalkaasi ku eedeeyey kooxda Villa Somaliya, waxaanay sheegeen in maleeshiyaadka Gurguurte oo amar madaxweyne qabaa ay soo weerareen magaalada, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey muuqaallo iyo sawirro muujinaya maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo si buuxda ula wareegey xarumihii kooxda Gurguurte ay ka deggenaayeen magaalada, sida xarunta maamulka degmada Balad Xaawo.

War-murtiyeed kasoo baxay dhinaca kooxda Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Axmed-madoobe ay weerareen xarumihii kooxdaasi oo ay ka mid ah ayay yiraahdeen xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay daggenaayeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Kooxda Villa Somaliya waxay carrabka ku dhufteen in ay jirto wax-yeello, walow aanay faah-faahin ka bixin. Waxaanay digniin u direen maleeshiyaadka Axmed Madoobe, oo ay ugu goodiyeen tallaabo adag oo ay ka qaadi doonaan askariga ka qayb-qaata dagaalladaasi.

Dagaalkan oo sida haatan muuqata ay ku gacan-sarreeyaan maleeshiyaadka Axmed-madoobe ayaa ku bilawday kadib markii maanta uu magaalada kasoo degay C/Rashiid-Janan oo dhawaan kooxda Gurguurte u magacowday taliyaha NISA ee gobolka Gedo.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Cabdirashiid Janan iyo koox maleeshiyaad ah ay u firxadeen dhinaca Kenya, iyagoo ka gudbay soohdin-beenaadka u dhaxeeya labada dal.

Waa mar kale iyo guul-darro soo food-saartay maleeshiyaadka Xasan-Gurguurte, oo sidan oo kale loogu jebiyey dagaalladii bilo ka hor ka dhacay deggaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan Raaskambooni.

Related Items

Update cookies preferences