Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad degananaanshiyo aan caga badan ku taagneyn ay ka jirto degmada Beledxaawo oo shalay ay ka dhaceen dagaallo khasaara badan dhaliyay.
Maleeshiyaad daacad u ah maamulka isku magacaabay Jubbaland ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay ayaa ku sugan dhammaan xarumaha degmada iyo saldhigga booliska halka maleeshiyaad uu wato Cabdirashiid Janan ay magaalada banaanka ka joogaan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gurmadyo kala duwan ay dhinacyada soo kala gaareen waxaana laga saadaalinayaa in dagaallo culus ay markale ka dhici doonaan degmada Beledxaawo.
War isgaarsiinta magaalada ayaa go'need xalay illaa maanta barqadii, maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ayaa demiyay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta Beledxaawo, degmada Garbahaarey waxaa ka degay dhowr diyaaradood oo ciidamo loogasoo daabulay dhanka Muqdisho.
Xamza Cabdi Barre ayaa colaadda gobolka Gedo u adeegsanaya Cabudllaahi Fartaag oo ah wasiirka amniga iyo dagaal ooge lagu magacaabo Cabdirashiid Janan balse illaa iyo hadda kuma guuleysan in degmooyinka gobolka ay ka saaraan maleeshiyaadka iyo saraakiisha daacadda u ah Axmed Madoobe.
Kumanaan qoys ayaa durbadiiba billaabay in ay isaga barakacaan degmada Beledxaawo sababa laxiriira cabsi ay ka qabaan in markale ay ku dul dagaallamaan maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee uu khilaafku ka dhaxeeyo.