Libaax nin ku dhaawacey magaalada Hargeysa.

Monday July 14, 2025 - 17:28:48
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in libaax uu si daran u dhaawacay nin maskaxda ka xanuunsan sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha Beerta Libaaxyada Hargeysa.
Ninka dhaawacu soo gaadhay ayaa la sheegay in uu ka gudbay xayndaabkii loogu talogaley dadweynaha.

Muuqaallo ku faafey Baraha Bulshada ayaa laga arkayey libaaxa oo cunaya ninka.

Waxaana la geeyay cusbital si loo daaweeyo. Mid kamida shaqaalaha ayaa sheegay in goobta ay ku sugan yihiin ilaa 5 libaax oo lab ah.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii saddexaad, waxa mar hore uu libaaxu Hargeysa ku diley gabar halka laba jeer oo dambe uu ku dhaawacay laba nin oo ninkan maanta uu waxyeelleeyay.

Related Items

Update cookies preferences