Wararka ka imanaya Gobollada Waqooyi ayaa sheegaya in dagaal uu galabta ka qarxay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Dagaalka ayaa u dhexeeya malleeshiyo taabacsan maamulka cusub ee shirkiisu ka socdo degmada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo maamulka Puntland.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa hore uga soo horjeestay maamulkan oo Dowladda Federaalku rabto in ay ka hirgeliso Gobollada Sool iyo Sanaag.
Lama oga ilaa hadda wax qasaare ah ah balse ilowareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba.
Dhaqdhaqaaqa cusub ee Maakhir waxa hoggaaminaya siyaasiyiin hore uga tirsanaa maamulka Puntland.
Dhawaan ayaa maamulka Puntland xubinnimadii ka saarey Guddoomiyihio hore ee Baarlamaanka Puntland kaas oo ka mid ah siyaasiyiinta taageersan mideynta Maakhir iyo Khaatumo.