Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii saaka ku burburtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka afisyooni ee xayndaabka xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Madaxa hey’adda duulista ee kooxda Villa Somaliya Axmed Macalin ayaa u sheegay BBC-da in diyaaraddu ay ku dhacday qaybta milatariga ee garoonka diyaaradaha kaddib markii ay kasoo duushay saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle oo qiyaastii 90km waqooyi-galbeed ka beegan magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaa la xaqiijiyey in ay ku degi rabtay qaybta gaarka ah ee xerada Xalane ee loo yaqaan M23 oo ay deggen yihiin saraakiisha AFRICOM, shaqaalaha safaaradda Maraykanka, iyo weliba sirdoonka Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha dalka Soomaaliya.
Taliska ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM ayaa war-murtiyeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyey dhacdadan, iyagoo sheegay in diyaaraddan oo kasoo kacday Balli-doogle ay si lama filaan ah ugu dhacday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale bayaan goor dhawayd kasoo baxay taliska millateriga ciidamada Uganda, kuna saxiixan yahay afhayeenkoodu ayaa lagu sheegay in diyaaraddan burburtay ay iyagu lahaayeen, taas oo nooceedu ahaa Mi-24.
Devdiscourse oo ah warbaahin caalami ah oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa sheegtay in ilaa hadda aan si dhab ah loo qeexin in diyaaradan laga leeyahay Mareykanka iyo in ay ka tirsan tahay howlgalka Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM.
Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof iyo saanad millateri, waxaanay ku gudo-jirtay duullimaadyo dagaal ka hor inta aanay dhicin, sida lagu faahfaahiyey war-saxaafadeedka Felix Kulayigye oo ah afhayeenka ciidamada, oo lagu baahiyey mareegta rasmiga ah ee taliska millateriga ee ciidamada Uganda.
Ugu yaraan 5 qof oo ka mida xubnihii saarnaa diyaaradda ayaa dhintay, saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo garaab ah sida lagu xaqiijiyey war-murtiyeedka ciidamada Uganda. Iyadoo intaas la raaciyey in uu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay qarax ay sababtay rasaas ku rarnayd diyaaradda.
Askar ka tirsan ciidamada AUSSOM ayaa lagu soo warramayaa in ay saarnaayeen diyaaradda sida ay sheegtay warbaahin laga leeyahay dalka Kanada oo la yiraa City News. Waxaana jira saamayn ballaaran oo qaraxu uu sameeyey, kaas oo burburiyey dhismayaal ka agdhawaa halka ay ku dhacday diyaaraddu, sida lagu caddeeyey bayaanka uu soo saaray Afhayeenka ciidamada Uganda.
Isku dayo loogu gurmanayay diyaaradda ayaa gebi ahaanba fashilmay sababo la xiriira ayaa la yiri dabka ka kacay diyaaradda oo aad u xoogganaa sida ilo amni oo ay soo xigatay warbaahinta maxalligu ay u xaqiijiyeen. Waxaana meelo fog laga arkaayay qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.
"Diyaaraddayadu waxay ku jirtay hawl-gal weerar ah, waxaana lagu soo raray gantaallo, kuwaas oo sababay dabka ka kacay diyaaradda…” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda mar uu sidoo kale uu maanta u warramayay Xinhua News Agency oo ah wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda China.
Afhayeenka ayaa sidoo kale warbaahinta Xinhua u sheegay in dhawaan ay magaalada Muqdisho u diri doonaan koox baaritaanno ku sameyn doonta sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddani soo dhacdo, taas oo uu xusay in ilaa hadda aan laga war hayn, waxa sababay arrintan.
"Diyaaraddayada Helicopter-ku waxay ku jirtay hawl-gal weerar ah, waxaana lagu soo raray gantaalo, kuwaas oo sababay dabka, Haddii ay ahayd weerar dibadda ah, maanaan baari lahayn sababta maadaama aan ogaan lahayn waxa keenay," ayuu afhayeenka ciidamada Uganda u sheegay wakaaladda wararka Xinhua, isagoo meesha ka saaraya tuhunka weerar dibadda ah.
Farax Cabdulle, oo ka shaqeysa garoonka diyaaradaha, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay "Waxaan maqalnay qarax, waxaanan aragnay qiiq iyo dab ka kacay diyaaradda. Waxaanu qiiqu uu gebi ahaanba daboolay diyaaradda.”
Muuqaallo si weyn ugu dhex faafay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha iyo weliba baabuur fara badan oo goobtaasi ku basbeeshay, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqato astaanka waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.
Nigerian Sketch oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Nayjeeriya ayaa xustay in dhacdooyin dhowr ah oo noocan oo kale ah ay muddooyinkan dambe wajahayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Midowga Afrika ee hawl-gala dalka Soomaaliya.
Warbaahintani Nigerian Sketch waxay garwaaqsatay in falalkani ay calaamatu-su’aal saareen hawlgalka AUSSOM iyo jihada guud ee uu ku socdo dagaalka Soomaaliya, maadaama ayay tiri ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay horey u shaaciyeen in iyagu ay ka dambeeyeen soo ridista diyaarad ku dhacday deggaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dhacdooyinkani waxay guul weyn ugu fadhidaa xoogagga Al-Shabaab ayay tiri warbixintan ay maanta daabacday Nigerian Sketch, iyadoo intaa raacisay in dhinaca kalena uu hoos-u-dhac ballaarani ku yimid kalsoonida lagu qabo hawl-galka ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha midowga Afrika.
Wargeyska maalinlaha ah ee The Witness oo kasoo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhacdadani ay kusoo aadayso xilli hawl-galka AUSSOM uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale, isla markaana ay isa soo tarayso cabsida laga qabo dagaalyahannada Al-Shabaab oo isku sii fidiya dhul baaxad leh oo aad u kala fog.