Baarlamaanka Puntland oo xubinnimadii golaha ka xayuubiyey C/Rashiid Yuusuf.

Tuesday July 15, 2025 - 14:17:52
Liibaan Jeexoow
Golaha Wakiillada maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland ayaa maanta xil-ka-xayuubin ku sameeyey Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo u goostay dhinaca Laascaanood, isagoo ka qeyb-galaya shir halkaas ka socda.
Kalfadhigii maanta ee golahaasi ayaa lagu meel-mariyey go’aanka luminta xubinnimada Golaha ee Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf, oo horey golahaasi uga soo noqday guddoomiye.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu Cabdirashid ka mid noqday xubnaha sida firfircoon uga muuqday shir abaabulkiisa uu Gurguurte qayb ka yahay oo ka socda magaalada Laascaanood.

Maalin ka hor ayuu Cabdirashid Yuusuf Jibriil si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland, isagoo ku sababeeyay taageeradiisa SSC-Khaatumo.

Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa si cad u sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo mowqifkiisa siyaasadeed iyo garab istaagga uu u hayo SSC–Khaatumo oo yeelata maamul gaar ah.

Related Items

Update cookies preferences