Somaliland oo sheegtay in gogol nabadeed ay dhigeyso degmada Ceerigaabo ee xarunta u ah gobolka Sanaag.

Wednesday July 16, 2025 - 16:32:25
Liibaan Jeexoow
Maamulka la baxay Somaliland ayaa ku baaqay in ay gogol nabadeed dhigeen Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo akhriyayey warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo Gobolka Sanaag.

"Madaxweynaha Somaliland Cirro isaga oo ka duulaya waajibka ka saaran midnimada dalka waxa uu si rasmi ah u fidiyey gogol nabadeed oo uu u dhigey dhammaan beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Sanaag” ayaa lagu yiri

Gogoshan nabadeed ayay Somaliland ku sheegtay in looga dan leeyahay soo afjaridda dhammaan khilaafaadkii hore uga dhacay gobolka.

Tan ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii maalintii shalay ahayd maamulka isku magacaabey Somaliland uu baaq u direy kuwa loogu yeero Beesho Caalamka iyaga oo xusay in Xasan Sheekh uu colaad ka hurinayo dhul ay Somaliland leedahay, waa sida ay hadalka u dhigeen eh.

Isla maalintii shaley ee ina dhaaftay waxa magaalada Dhahar oo ka tirsan Sanaag dagaal ku dhexmarey ciidammo taabacsan dhaqdhaqaaqa cusub ee Maakhir ee taageerada ka helaya DF iyo maamulka Puntland.

Eedeymo ayay hawada isku mariyeen xubno ka tirsan Federaalka iyo Puntland.

Related Items

Update cookies preferences