Xamza Al-Bashtaawi oo ah suxufi, qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo reer Falastiin ah ayaa ka warbixiyey qaabka dhagaraysan ee Maraykanka iyo Yahuuddu ay damacsan yihiin inay u barakiciyaan muslimiinta reer Qaza iyagoo damacsan inay u raraan deggaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland.
Wariye Bashtaawi oo maanta qormadan kusoo gudbiyey wakaaladda wararka ee Waddan oo ah warbaahin ka hawl-gasha Filastiin ayaa sheegay in ciidanka Sahaayuuniyada iyo maamulkooduba ay haatan ku hawlan yihiin qorshe xeeladaysan oo lagu barakicinayo reer Qaza.
Wejiga koowaad ee qorshahan ayuu wariyuhu sheegay in uu yahay sidii boqollaal kun oo rayid ah looga soo ururin lahaa marinka Qaza, si loogu diyaariyo in lagu xidho waxa loogu yeedho "aagga bini’aadamnimada” oo laga dhisayo magaallada Rafax oo Yahuuddu ay burburisay.
Aaggan ayaa la filayaa in lagu soo rogi doonno amar adag oo xagga amniga ah iyo xannibaadyo dhinaca dhaqdhaqaaqqa ah oo ay ku jirto ka hor-tagga bixitaanka, kadibna waxaa bilaaban doonta ayuu yiri suxufigu barakicin khasab ah oo millateriga Sahaayuuniyadu ay fulin doonaan.
Xamza Al-Bashtaawi waxa uu carabaabay in marka hore reer Qaza lagu daad-gurayn doono xeryaha laga dhisayo magaalada Rafax, oo ah kuwo xiran, muddana lagu hayn doono, kadibna loo gudbin doono madaarka Raamoon ee magaalada Iilaat, ugu dambaynna loo qaadi doono Somaliland.
Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa ayay warbixintu xustay inay ka go’an tahay barakicinta reer Qaza, iyagoo taageero ka helaya maamulka Trump oo ku talinaya in lagu daro shuruudaha cusub ee wada-xaajoodka xabbad-joojinta, si loo hir-geliyo qorshayaasha barakicinta qasabka ah.
Ciidanka Yahuudda ee la wareegay dhulkan la doonayo in laga barakiciyo reer Qaza ayuu wariyuhu sheegay in muddo ka horba ay ciidamada gumaysigu bilaabeen hawl-gallo lagu burburinayo guryaha iyo kaabayaasha oo ujeedkoodu daaran yahay tirtiridda joogitaanka reer Falastiin ee marinka Qaza.
Bashtaawi oo warbixintiisan sii wata ayaa ka dhawaajiyey in kadib markii Masar iyo Urdun ay diideen qorshaha barakicinta, Maraykanka iyo Yahuuddu ay ka fikireen sidii beddel kale loo heli lahaa. Waxaana xigay Somaliland oo muujisay inay diyaar u tahay ka qayb-qaadashada qorshahaasi.
Wariyahan reer Falastiin wuxuu sheegay in Somaliland ay shuruud ku xidhay aqbalaadda qorshahaasi, oo ah in marka hore loo aqoonsado dal madax-bannaan, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland C/Raxmaan Daahir Aadan.
Somaliland oo ah ayay tiri warbixintu goob muhiima oo istaraatiijiya oo ku yaal gacanka Cadmeed, isla markaana kulaalaya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabal-mandab, ayaa geesta kalena Yahuuddu ay damacsan tahay in ay ka dhisato saldhiga millateri.