Askar Brundiis iyo Somali isugu jirta oo dhimasho iyo dhaawac ku noqotay qaraxyo ka dhacay Banaadir & Sh. dhexe.

Wednesday July 16, 2025 - 14:37:48
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanay gobolka Banaadir ayaa sheegaya qarax goor dhawayd jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.
Qaraxan oo lala eegtay maleeshiyaadka Gurguurte, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Boolis Milataaro, ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 askari.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa isna laga soo tebiyey qarax ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen askarta Brundi ee deggaanka Buurane, kuwaas oo midna laga dilay mid kalena laga dhaawacay.

Hawl-galladan ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaadka daba-dhilifka iyo calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaantaba ay xaaladdu ku xuntahay, jihaadiyiintuna ay la wareegeen dhul aad u ballaaran.

Related Items

Update cookies preferences