Hawl-gallo lagu miray ciidanka Xabashida & maleeshiyaadka Gurguurte + kulamo soo dhaweyn ah oo ka dhacay Tardo. [SAWIRRO].

Wednesday July 16, 2025 - 08:16:24
Liibaan Jeexoow
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa habeennimadii xalay hawl-gal qarax ah ku beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa agagaarka Baar Ha I Dhaafin ee deggaanka Weydow ee magagalada Muqdisho.
Maleeshiyaadkan la weeraray ayaa ahaa kuwa sida gaarka ah u qaabilsan ku qasbidda shacabka ee diiwaan-gelinta doorashooyinka.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3 askari lagu dilay weerarkaasi qaraxa ah, kuwaas oo uu ku jiray taliyihii maleeshiyaadkaasi oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Carab.

Sidoo kale waxay xogtu sheegaysaa in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 5 askari oo iyaguna ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi la beegsaday.

Gobolka Baay, waxaa habeennimadii xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen xerada askarta Xabashida Itoobiye ee degmada Diinsoor.

Geesta kale iyo gobolka Hiiraan, kulamo heer sare ah oo lagu soo dhawaynayo jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa shalay ka dhacday degmada Tardo oo hoos-tagta degmada Moqokori.

Al-Kataa’ib ayaa xalay baahisay sawirrada kulamadaasi oo ay ka muuqdeen sida ay bulshada deggaankaasi ugu riyaaqsantahay jihaadiyiinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.

Related Items

Update cookies preferences