Maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee isku magacaabey Somaliland ayaa ka hadley shirarka Dowladda Federaalku ka waddo Laascaanood kuwaas oo la sheegay in maamul loogu samaynayo bulshooyinka Maakhir iyo Khaatumo.
Shir maanta ay yeesheen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa baaq loogu direy kuwa loogu yeero Beesha Caalamka.
"Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay baaq u direysaa Beesha Caalamka in ay si dhow ula socoto colaadda Xasan Sheekh uu ka hurinayo deegaanno ka tirsan Somaliland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxey maamulka SL.
Maamul u samaynta deegaannada Sool iyo Sanaag ayaan si buuxda la isugu afgaran kaddib markii ay kasoo horjeesteen dhaqanka guud ee Khaatumo iyo Maakhir, sidoo kale waxa kasoo horjeestay maamullada Puntland ee Soomaaliya iyo Somaliland oo goonni-u-goosad ah.
Xukuumadda Villa Soomaaliya ayaa doonaysa in ay hirgeliso maamulkii lixaad ee Federaalka oggol. Hirgelinta Maamul Goboleedka ay ku mideysan yihiin Khaatumo iyo Maakhir ayaa ku biiraya kuwa hadda jira ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Koonfurgalbeed iyo Galmudug.