Taliyaha Ciidanka AFRICOM Micheal Langley ee Mareykanka iyo saraakiil kale oo isla dalkaasi ah ayaa maalintii shalay ahayd ka degay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland.
Warbixin ka soo baxday maamulka Somaliland oo goordhaweyd la baahiyey ayaa lagu sheegay in Hargeysi martigalisay wafti sare oo ka socda dalka Mareykanka 18 June maalintii shalay ahayd.
Waftigan ayaa waxa hoggaaminayey ninka lagu magacaabo Richard Riley oo ah ambassadorka Somalia u fadhiya Mareykanka.
Waftigan oo heerkoodu sarreeyay ayaa waxay kala hadleen Somaliland dekedda Berbera iyada oo warar hoose sheegayaan in Somaliland waxa ugu weyn ee ay rabto oo ah aqoonsiga ay kala hadashay waftigan.
Saraakiishan Ameerikaanka ah ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in ay booqasho ku tageen magaalo xeebedda dekedda ah ee Berbera.
Waa markii koowaad ee Somaliland ay yimaaddeen tiro intaa leeg oo ciidamo Mareykan ahi.
Cirro oo dhawaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa sheegay in Somaliland u soo socdaan waxyaabo muhiim ahi taas oo uu xusay in haddii ay yimaaddaan in aan Soomaalidu la yaabin.
Somaliland waxa ay marhore Mareykanka la wadaagtey in uu saldhig ka samaysto dekedda Berbera taa beddelkeeda uu aqoonsi siiyo.
Tan ayaa imanaysa xilli dhawaan uu Madaxweynaha Dowladda Federaalku ka dhawaajiyey in ay jiraan dalal doonaya in ay Soomaaliya kala gooyaan.
Xasan Sheekh ayaa baaq u direy dalalkaas oo aanu magac dhabin kuwaas oo uu ugu baaqey intii ay dalka kala jari kahaayeen in ay midnimadiisa kala shaqeeyaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: