Shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa habeennimadii xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa lagu soo warramayaa in uu dhacay kadib markii gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah uu goostay fariinka isla markaana uu dardaray Mooto bajaaj sidday askari ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.
Baabuurkan xamuulka ah ayay wararku tibaaxayaan in uu gebi ahaanba dul-maray mooto-bajaajta, halkaasna uu ku geeriyooday askarigii mootada la socday iyo weliaba dirawalkii mootada, waxaana sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ah.
Gaarigan xamuulka ah ayay wararku sheegayaan in uu rarnaa, kaas oo raashin kasoo qaaday dekedda magaalada Muqdisho.
Shilalka baabuurta ayaa aad ugu soo batay gudaha magaalada kadib markii kooxda Villa Somaliya ay xiratay badi waddooyinkii halbowlaha ahaa ee magaalada Muqdisho.