SAWIRRO: Yahuudda oo duqaysay xarumo ku yaal Dimishiq iyo wararkii u dambeeyey.

Wednesday July 16, 2025 - 18:11:54
Liibaan Jeexoow
Dagaallo culus ayaa weli ka socda Koonfurta wadanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam iyadoona mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka Yahuudda ay ku dhawaaqeen dagaal dhinac walba ah.
Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ciidanka cirka Yahuudda ay duqeymo ba'an ku hayaan xarumaha ugu muhiimsan magaalada Dimishiq ee caasimadda ah sida wasaaradda difaaca,taliska sirdoonka iyo taliska guud ee ciidamada.

Wasiirka dagaalka Yahuudda ayaa kalimad uu jeediyay ku sheegay in ciidankooda cirka ay bartilmaameedsadeen xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda Suuriya ku leedahay Dimishiq iyo gobolka Suweydaa ee Koonfurta dhaca.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada culus ee ka socda koonfurta Suuriya halka magaalada Dimishiq ay bartilmaameed unoqtay diyaaradaha Yahuudda, wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay in dhammaan maleeshiyaadka Durziyiinta laga saarayo magaalada Suweydaa islamarkaana lasoo qab qaban doono canaasir ay ku tilmaamtay dembiilayaal.

Muuqaal uu bartiisa Internetka ku faafiyay ciidanka Yahuudda ayaa muujinayay ilbiriqsiyadii ay diyaaradaha Yahuuddu duqeymaha ku burburinayeen wasaaradda difaaca xukuumadda Suuriya ee magaalada Dimishiq.

Wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga Yahuudda oo shirar jaraa'id qabtay ayaa ku goodiyay in ay lawareegi doonaan hawada Suuriya islamarkaana ay bartilmaameedsanayaan dhammaan askarta iyo saraakiisha xukuumadda fadhigeedu yahay Dimishiq.

Xaaladda Suuriya ayaa umuuqata mid faraha kasii baxaysa waxaana lasaadaalinayaa in dalkan uu marti geliyo loollanno caalami ah iyadoona dowlado shisheeye ay damacsanyihiin kala qeybinta gobollada wadankaasi.

Related Items

Update cookies preferences