FAAH-FAAHIN: 63 askari Ugandhiis ah iyo maleeshiyaad badan oo dhimasho & dhaawac ku noqday weerarkii shalay ee Sabiid.

Tuesday July 15, 2025 - 12:05:49
Liibaan Jeexoow
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday hawl-galkii naf-hurka ahaa ee shalay galab jihaadiyiinta Al-Shabaab ku beegsadeen kolonyadii gaadiidka ee ay la socdeen ciidamada Uganda.
Kolonyadan oo la weeraray iyagoo maraaya duleedka deggaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa soo gaaray khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in hawl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 20 askari oo Yugaandhiis ah, laguna dhaawacay 43 askari oo kale, kuwaas oo toban ka mid ah dhaawacoodu uu garaab yahay.

Maleeshiyaadka daba-dhilifka ah ee Gurguurte oo iyaguna qayb ka ahaa kolonyadaasi ayaa iyagana ay soo gaartay dhimashada ugu yaraan 9 askari iyo dhaawaca 8 askari oo kale.

Hawl-galkan ayaa geesta kalena geystay khasaare culus oo soo gaaray gaadiidkii ay wateen, waxaana gebi ahaanba goobtaasi ku basbeellay ugu yaraan 3 baabuur oo noocyadoodu ay kala ahaayeen Taaw, Cabdi Bile iyo Hartop.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay xaaladdu ku xuntahay ciidamada Afrikaanta iyo daba-dhilifyadooda Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loogu wiiqay duullaanka gardarrada ah ee ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences