Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya diyaarad millateri oo ah nooca qummaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter-ka ay saaka kusoo dhacday agagaarka teendhada Afisyooni ee xayndaabka xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Diyaaraddan oo gebi ahaanba burburtay ayaa la sheegay in ay kasoo kacday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle sida uu xaqiijiyey Axmed Macalin Xasan oo ah mareeyaha hey’adda duulista ee kooxda Villa Soomaaliya.
Wararka horu-dhaca ah ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in diyaaraddu ay rabtay in ay ku degto gudaha xerada Xalane, gaar ahaan qaybta loo yaqaan M23 oo ay deggen yihiin saraakiil ka tirsan AFRICOM, shaqaalaha safaaradda Maraykanka, iyo weliba sirdoonka Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha dalka Soomaaliya.
Agaasimaha hey’adda duulista ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddan ay lahaayeen ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa Uganda, waxaanu xusay in ay saarnaayeen ugu yaraan 8 qof, inkasta oo uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay burburka diyaaraddaasi.
Sida ay tibaaxayaan xogaha ilaa hadda soo baxay, diyaaraddan oo nooceedu ahaa kuwa xamuulka ayaa sidday saanad millari iyo xubno ciidan ah oo ka badan inta uu carabaabay mas’uulkani. Kuwaasoo loo badinayo in dhammaantood ay dhinteen. Iyadoo sidoo kalena lasoo warinayo in ay jiraan dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh oo uu geystay dab xooggan oo ka kacay diyaaradda.
Qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareeray ayaa laga arkaayay meelo aad uga fog goobta ay ku burburtay. Waxaana muuqaallada laga helay ay muujinayaan baaxadda khasaare ee diyaaraddaasi geysatay iyo weliba baabuur fara badan oo goobtaasi ku basbeeshay, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqatay astaanka Qaramada Midoobay.
Ilo amni oo ku sugan xerada Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in diyaaraddu ay gebi ahaanba basbeeshay, kadib markii uu qarax weyni ka dhacay gudaheeda, isla markaana uu ka kacay qiic iyo uuro madow oo qabsaday agagaarka goobtii ay ku dhacday.
Isku dayo la rabay in gurmad loogu fidiyo diyaaraddaasi ayaa gebi ahaanba fashilmay sababo la xiriira dabka ka kacay diyaaradda oo la sheegay inuu aad u xoogganaa isla markaana saamayn ballaaran ku yeeshay goobo ka durugsan meeshii ay ku dhacday, sida ay saraakiisha amnigu xaqiijiyeen.
Dhacdadan ayaa geesta kalena saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii uu dibu-dhac ku yimid duullimaadkii shirkadda Turkish Airways oo si joogta uga soo degi jirtay garoonka Muqdisho, taas oo lagu soo warramayo in khadkeedii ay u leexisay dhinaca Kenya.
Burburka diyaaradaha ciidamada shisheeye ayaa muddooyinkii dambe aad ugu soo badanaya dalka Soomaaliya, waxaanay ahayd ku dhawaad bil ka hor markii diyaarad Helicopter ah oo ay lahayd AUSSOM ay jhihaadiyiinta Al-Shabaab kusoo rideen deggaanka Xawaadley ee gobolka dhexe, halkaas oo isla maalintaasi ay jihaadiyiintu la wareegeen, kadib markii ciidamada Burundi ay halkaasi isaga firxadeen, iyagoo ka cabsi qaba gulufka xooggan ee dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka wadaan aggaasi.