Guddida Tacliinta ee maamulka Somaliland ayaa albaabada u xirtey Jaamacadda Golis faraceeda Boorama taas oo lagu eedeeyay in hal macallin uu dhigo wax ka badan 30 kooras.
Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddiga Tacliinta Somaliland ayaa lagu xusey in ka dib cabasho ka timid Xafiiska Tacliinta ee Gobollada Galbeedka Somaliland baaris lagu sameeyay Jaamacadda Golis faraceeda Boorama.
Warsaxaafadeedka ayaa koobsanayey ilaa 5 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in Golis Boorama uu hal qof ka yahay maamule, xisaabiye iyo hormuud.
Waxa kale oo ay intaa ku dareen guddidu in hal macallin kaliya ahi uu bixiyo wax ka badan 30 kooras ardeyda dhigataana ay si sharciga qilaafsan wax u bartaan.
Jaamacadaha ayaa ku soo badanaya dhulalka Soomaalida kuwaas oo tayadoodu liidato ardayda ay soo saaraanna aanay lahayn wax xirfad ah.