Al-Shabaab oo askar Kenyaan ah ku laysay kaymaha Booni ee gobolka Laamu.

Wednesday July 16, 2025 - 16:29:43
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 3 askari oo tirsan millateriga Kenya ayaa lagu dilay, 6 askari oo kalena waa lagu dhaawacay weerar ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen keymaha Boni ee gobolka Lamu oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, sida uu xaqiijiyey telefishanka NTV Kenya.
George Kubai oo ah guddoomiye ku-xigeenka dowladda Kenya ugu magacaaban gobolka Lamu ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo xusay in ciidamadaasi oo la qarxiyey iyagoo kolonyo ah oo maraaya deggaan lagu magacaabo Badaa abaare qiyaastii 2 KM u jirta magaalada Kiyuunga.

Taliska Millateriga Kenya oo faahfaahin ka bixiyey weerarkan ayaa sheegay in ciidamadan oo roondo ah ay subaxnimadii Talaadada Miino kula kacday jidka u dhexeeya Sankuri iyo Kiyunga.

"Nasiib-darro, saddex askari oo geesiyaal ah ayaa geeriyooday..." ayaa lagu yiri bayaan ay xalay fiidkii soo saareen millateriga Kenya, isla markaana ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Reuters ayaa xustay in jihaadiyiinta Al-Shabaab oo gacanta ku haya dhul aad u fara badan oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay weerarro joogta ah ka fuliyaan gudaha soohdin-beenaadka Kenya.

Maalin ka hor uun bay ahayd markii jihaadiyiintu ay weerar kan la mid ah oo ay ka fuliyeen waddada u dhexaysa Ijara iyo Bodhaay, oo hoostaga Gaarisa ay ku dileen 2 askari oo Kenyaan ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.

Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa dardar xooggan geliyey hawl-gallada ay ka fuliyaan dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya si la mid ah weerarrada joogtada ah ee ay ka wadaan bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences