Axmed Madoobe iyo Deni oo Garoowe ku dhisaaya isbahaysi ka dhan ah Xasan Gurguurte.

Sunday June 22, 2025 - 08:47:16
Liibaan Jeexoow
Xilli uu cirka iskusii shareerayo khilaafka udhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dabadhilifyada ah ee ka jira Soomaaliya ayay soo ifabaxayaan isbahaysiyo cusub oo dhanka siyaasadda ah.
Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa lafilayaa in uu taxaaluf siyaasadeed oo ka dhan ah Xasan Gurguurte lasameysto Saciid Cabdullaahi Deni.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubno katirsan maamulka jubbaland ay safar ku tageen magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaana la sheegay in ay hordhac uyihiin safarka Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulamo ka dhici doono magaalada Garowe lagasoo saari doono qodobo ka dhan ah DF-ka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay usheegay in ay xiriirkii siyaasadeed ujareen Xasan Gurguurte iyagoona qaadacay doorasho ku sheegta in lafilayo in laqabtay sanadda 2026.

Related Items

Update cookies preferences