Siisi iyo Gurguurte oo kala saxiixday heshiisyo ka dhan ah damaca Itoobiya.

Monday July 07, 2025 - 18:59:05
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax As-siisi ayaa maanta magaalada Al-Calameyn ee waqooyi-galbeed ee dalkaasi kusoo dhaweeyey madaxa kooxda Villa Somaliya, Xasan Gurguurte.
Maxamed Al-Shanawi oo ah afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada Masar ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay yeesheen kulan gaar ah oo albaabadu ay u xirnaayeen.

Kulanka kadib, waxaa bilawday wada-hadallo toos ah oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala socotay labada dhinac, sida afhayeenku uu sheegay.

Dhammaadkii kulannada ayaa lagu soo warramayaa in labada hor-jooge ay wada-jir u qabteen shir-jaraa’id oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dulucda wada-hadallada.

C/Fataax As-siisi ayaa sheegay in kulankan looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo arrimaha gobolka oo ay ugu horreyso xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo weliba amniga Badda Cas.

Madaxweynaha Masar wuxuu ka dhawaajiyey in Gurguurte ay ku heshiiyeen sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta la xiriirta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo milatariga.

"Waxaan xaqiijinay go’aanka ah in aan sii wadno isku-duwidda howlaha millateri ee ku saleysan heshiiskii iskaashiga millateri ee labadayada dhinac kala saxiixannay bishii Agoosto 2024…” Ayuu yiri C/Fataax As-siisi.

Heshiiskan uu C/Fataax As-siisi ka dhawaajiyey ayaa dhigayay in labada dhinac ay isku raaceen xoojinta dedaallada lagu sugayo nabadda iyo ammaanka Badda Cas. Maadaama ayuu yiri Siisi amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka yihiin amniga dalka Masar.

Siisi waxa kale oo khudbadiisan kusoo hadal-qaaday in kulankan maanta ay sidoo kale ku lafa-gureen ka ciidamada millateriga iyo booliska ee dalka Masar iyo ka qayb-qaadashadooda hawl-galka AUSSOM.

Shirkan jaraa’id ayuu sidoo kale C/Fataax As-siisi kusoo hadal-qaaday caqabadda dhaqaalle ee haysata hawl-galka AUSSOM, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in la helo maal-gelin ku filan oo ka timaadda waxa loogu yeero beesha caalamka.

Geesta kale war-murtiyeed kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu xaqiijiyey in kulankan looga hadlay sidii loo dardar-gelinta doorka Masar ee taageerada Soomaaliya oo ay ka mid tahay sida dhinacyada amniga, diblumaasiyadda iyo iskaashiga milatari.

War-murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu xusay in labada hor-jooge ay wada-jir iskugu waafaqeen fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Heshiisyadan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay si weyn uga soo hor-jeeddo ciidamo Masaari ah oo la keeno Soomaaliya, kuwaas oo qaraar maalmo ka hor kasoo baxay AU lagu hakiyey ka qayb-qaadashadoodii hawl-galka AUSSOM.

Ka qayb-galka millatari ee Masar ee Soomaaliya, waxaa dhalleecaysay Itoobiya oo u aragta ficillada Qaahira mid xiriir la leh mucaaradnimadeeda biyo-xireenka Al-Nahda ayuu sheegay wargeyska Addis Standard.

Guud ahaan heshiisyadan cusub ee maamullada Qaahira iyo Muqdisho kala saxiixdeen ayaa si weyn uga hor imanaya heshiisyadii Gurguurte uu horey ula saxiixday R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo maalmo ka hor-na ku casuumay xafladda daah-furka biyo-xireenka Al-Nahda.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa saadaalinaya khilaaf hor leh oo dib uga dhex-qarxa maamullada Addis Ababa iyo Muqdisho, xilli Itoobiya ay rabto in ay la wareegto dekedihii Soomaaliyeed ee ay u saxiixeen Muuse Biixi iyo Gurguurte.

Related Items

Update cookies preferences