Wargeyska Itoobiyaanka ah ee Addis Standard ayaa abla-ableyn ku sameeyey warkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Masar CabdiFataax As-siisi oo mar kale fariin kasoo saaray arrimaha ammaanka Badda Cas, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono sugnaanta aaggaas isla markaana sheegay inuu xoojin doono taageerada milatari ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa yimid kadib wadahadallo heer sare ah oo Axaddii lasoo dhaafay C/Fataax As-siisi iyo Xasan Gurguurte ay ku yeesheen magaalo-xeebeedda Al-Calameyn ee dalka Masar, halkaas oo labada hoggaamiye ay isku waafaqeen sii xoojinta isbahaysi laba-geesood ah xilli xiisado siyaasadeed ee Geeska Afrika ay sii kordhayso.
Wargeysku waxa uu xusay in warbixintii rasmiga ahayd ee kasoo baxday dhinaca Masar lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, mar kalena ku celiyeen inay isla qaateen mowqifkii hore ee C/Fataax As-siisi ee ka dhanka ahaa dedaalka Itoobiya ugu jirto inay hesho marin toos ah oo ay ku yeelato Badda Cas.
Sidoo kale Addis Standard waxa uu soo hadal-qaaday war-murtiyeedkii kasoo baxay Villa Somaliya kadib wadahadallada, kaas oo lagu sheegay ayuu yiri in labada madaxweyne ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga iyo waxbarashada.
Waxaa aad u sii xoogaystay ayuu wargeysku yiri hadalka Siisi ee la xiriira "ammaanka iyo xasilloonida” Geeska Afrika iyo Badda Cas kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland horraantii 2024, kaasoo markii hore Addis Ababa u ogolaanayey inay hesho saldhig ciidan iyo marin dekadeed oo la kireeyey, taasoo beddelkeeda laga yaabo in Somaliland ay hesho aqoonsi suurtagal ah.
Addis Standard oo falanqayntiisan sii wata ayaa yiri "Inkastoo heshiiskaasi is-afgaradka ahaa uu haatan aamusnaan ku jiro dhinacyada oo dhan, haddana damaca Itoobiya ee ku aaddan inay si toos ah u gaarto badda ayaa weli waxaa si shaki leh oo cadaawadi ku dheehan tahay u eegaya Masar iyo Soomaaliya.”
Soomaaliya waxay heshiiskaasi ku tilmaantay ayuu yiri wargeysku mid xadgudub ku ah midnimadeeda dhuleed, inkastoo wadahadallo ay dhexdhexaadinayeen Turkigu ay gacan ka geysteen hagaajinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday, halka Masarna ay digniin ka bixisay in heshiiskaasi uu carqaladeyn karo gobolka iyo ganacsiga mara Kanaalka Suweys.
Wargeysku waxa uu daboolka ka qaaday in dowladda Masar ay muddooyinkii dambe xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya kadib markii bishii Agoosto 2024 ay kala saxiixdeen heshiis laba-geesood ah. Tan iyo markaas, Qaahira waxay tababareysay oo hubeysay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Masarna ay qeyb ka noqdeen Hawlgalka AUSSOM, arrintaas oo Gurguurtena uu si weyn u soo dhoweeyey.
Tallaabadaas waxaa xigtay ayuu yiri wargeysku shir saddex-geesood ah oo ka dhacay caasimadda Asmara, kaasoo dhex-maray Masar, Soomaaliya, iyo Eritriya, halkaas oo saddexda dal ay ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashigooda si loo ilaaliyo ayay yiraahdeen xuduudaha dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan madax-bannaanida waddamada gobolka.
Wargeyska Addis Standard waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay weli ku adkeysaneyso in dadaalkeeda ku aaddan helista marin-badeedku uu salka ku hayo mabaa’diida is-dhaafsiga iyo dan-wadaagga, iyadoo warbixin uu Abiy Axmed ka hor-sheegay baarlamaanka ku caddeeyey inay xaq ay u leeyihiin helista marin ay ka galaan Badda.