DF-ka oo xusul-duubkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Axmed-madoobe ka wadda gobolka Gedo.

Sunday July 13, 2025 - 10:46:14
Liibaan Jeexoow
Waxaa cirka iskusii shareeray xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalooyin katirsan gobolka Gedo kuwaas oo ay gacanta ku hayaan maamullo xiriir laleh dowladda Xabashida Itoobiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in todobaadkan ay dib boorka uga jafto cadaadiska ay ku hayso maamulka isku magacaabay Jubbaland oo joogitaan muuqda ku leh degmooyin katirsan Gedo.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Xasan Gurguurte uu amar ku bixiyay in boqolaal askari iyo gaadiid dagaal loo daabulo degmooyin katirsan Gedo, garoonka diyaaradaha Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa lagu diyaariyay gaadiid Tikniko ah waxaana laqorshaynayaa in gaadiidkaas lagu daabulo diyaarado xamuul ah.

Villa Somalia ayaa doonaysa in ay lawareegto dhammaan degmooyinka Gedo oo hadda ay ku suganyihiin xubno iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

Degmooyinka Beledxaaw,Dooloow iyo Baardheere ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhici doonaan iska hor'imaadyo ay dhinacyadu isugu xoog sheeganayaan, wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Gurguurte uu damacsanyahay in degmooyin katirsan Gedo lageeyo ciidamo ka socda dowladda Masar kuwaas oo qeyb ka noqon doona isbahaysiga Afrikaanta AUSSOM.

Related Items

Update cookies preferences