Waxaa cirka iskusii shareeraya xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag halkaas oo ay ku hardamayaan dhinacyo isdiidan.
War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isku magacaabay Puntland ayaa lagu amray in lasoo xiro xildhibaan katirsan maamulka isla markaana xurguf weyn ay kala dhaxayso Siciid Deni.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in xasaanadda Xildhibaanimo laga qaadayo Cabdirashiid Yuusuf Abwaan oo horay usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka fadhigiisu yahay Garowe.
Siciid Deni ayaa faray in lasoo qabto Cabdirashiid Abwaan kaasi oo lagu eedeeyay in uu abaabul ciidan ka wado deegaanno katirsan gobolka Sanaag Bari islamarkaana uu halis ku yahay jiritaanka maamulka Puntland sida hadalka loodhigay.
Arrintan ayaa cirka kusii shareeraysa xiisadaha colaadeed ee ka aloosan deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag halkaas oo maalmahan ay socdaal ku marayeen wasiirro katirsan DF-kaas kuwaas oo dadaal ugu jira sidii ay u daciifin lahaayeen maamulka Puntland.