Ugu yaraan laba askari oo Kenyaati ah ayaa ku dhintay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax lagu beegsaday gaari ay la socedeen askar ka tirsan ciidamada Kenya.
Askartan la qarxiyey ayaa la weeraray xilli ay marayeen waddada u dhaxaysa Ijaara iyo Bodhaay, oo labaduba ay hoostagaan Gaarisa oo ka mid ah dhulka ku hoos-jirta gumaysiga Kenya.
Askarta lagu dilay qaraxan iyo kuwa lagu dhaawacay ayey warbaahinta Kenya sheegtay in ay ku safrayeen gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano Probox, iyagoo kusii jeeday magaalada Bodhai.
Guddoomiyaha Xukuumada Kenya ugu magacaaban Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in qaraxa dhulka uu ahaa mid lagu beegsaday kolonyo askar ah oo si joogto ah uga hawlgala wadadaas.
"Waa dhacdo murugo leh. Waxaan rumeysanahay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidanka ammaanka ee inta badan ku socda waddadan,” ayuu yiri guddoomiye Dubat Maxamed.
Abdi Cali oo ka tirsan golaha deegaanka Ijaara ayaa isaga oo ka hadlayay qaraxan wuxuu yiri: "Waxaan aad uga murugooday kana naxay weerarkan arxan darrada ah. Waa xasuus naxdin leh oo muujinaysa halista aan wajaheyno”.