Kenya oo ka walaacsan in Trump uu hakiyo taageeradii uu ku siin jiray la-dagaallanka Al-Shabaab.

Sunday November 17, 2024 - 16:28:11
Liibaan Jeexoow
Tan iyo wixii ka dambeeyay 6dii bishan November markii uu Donald Trump ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada dalka Mareykanka ayay isasoo tarayaan walaacyada laga muujinayo isbedel ku yimaad siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington.
Dowladda Kenya oo xiriir la leh Mareykanka ayaa ka walaacsan dib u soo laabashada Trump, diblumaasiyiin Kenyaan ah ayaa aaminsan in dib usoo laabashada Donald J.Trump uu hoos u dhac weyn u keeni doono cilaaqaadkii ka dhaxeeyay Nairobi iyo Washington.

Dowladda Kenya oo si aad ah ugu tiirsan taageerada amni, midda siyaasadeed iyo mIdda dhaqaale ee ay ka hesho Mareykanka ayaa aaminsan in Trump uu hoos u dhigi doono taakulada, arrinkaas oo saameyn ku yeelan doono dagaalka waxay ugu yeedhaan argagixisada ee Kenya iyo xulufadeedu uga jiraan geeska qaaradda afrika sida ku cad warbixin uu daabacay wargeyska Business Daily Africa.

Warbixinta ayaa tibaaxaysa in awoodda melleteri ee ciidanka Kenya iyo xataa sirdoonka wadankaas ay si dhammeystiran ugu tiirsan yihiin taageerada Mareykanka isla markaana haddii Trump uu dhimo dhaqaalihii uu siin jiray ay halis geli doonto dowladda Kenya.

Barnaamijka Mareykanku bixiyo ee loo yaqaan AGOA oo uu ku taageero dowlado dhaca qaaradda Afrika Kenyana ay qeyb ka tahay ayaa laga yaabaa in la joojiyo sidii uu Trump horay usameeyay afartii sano ee uu xukunka hayay.

Bishii Janaayo ee sanaddii 2020-kii Al-Shabaab ayaa hawl-gal weyn ka fuliyay saldhigga ciidanka Mareykanka gacanka Manda Bay ee dalka Kenya xilligaas oo uu talada Mareykanka hayay Donald Trump weerarkaas oo labada dowladood uga dhignaa dhabar-jab aad u xooggan.

William Ruto oo ah madaxweynaha Kenya ayaa ka niyad jabsan tallaabooyinka uu Trump qaadi doono, Joe Biden madaxweynaha uu waqtigiisu sii idlaanayo ayaa bishii May ee sanadkan booqday magaallada Washington kolkaas oo Kenya ay noqotay xubin dibad joog ah oo ka tirsan NATO.

Tan iyo markii ay ciidanka Kenya duullaanka gardarra ah kusoo qaadeen Soomaaliya sanaddii 2011-kii ayay Al-Shabaab iyana qaadeen howlgallo gilgilay magaalooyinka waaweyn ee Kenya maamusho sida Nairobi, Mombaas iyo Gaarisa, waxaana intaasi dheer weerarrada joogta ah ee ay ka wadaan gobolka Lamu iyo dhulalka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira.

Related Items

Update cookies preferences