Yafgiini Terekhin oo ah safiirka dowladda Ruushka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa taageeray qorshaha ay xabashidu ku doonayaan in ay ku qabsadaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Isagoo wareysi siinayay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa Itoobiya ayuu sheegay in Ruushku uu taageero weyn siinayo in xabashidu ay marin-biyood ka helaan geeska afrika si ay xal ugu helaan buu yiri 120-ka milyan Itoobiyaanka ah ee aan Bad laheyn.
"Waxaan dareesanahay mushkiladda weyn ee Itoobiya ka haysata Bad la'aanta, waan ayidsanahay dedaallada uu Abiy Axmed qaaday si loo helo marin-biyood" ayuu yiri safiirka Ruushka ee Itoobiya.
Abiy Axmed oo bishii lasoo dhaafay khudbad u jeedinayay baarlamaanka dowladdiisa ayaa sheegay in dhererka xeebaha geeska afrika laga soo bilaabo Muqdisho illaa Musawac ay gaarayaan 5 kun oo kiilow mitir isla markaana aysan suurta-gal aheyn in Itoobiya xeebahaas aadka u ballaaran dibad joog ka ahaato wuxuuna ku celiyay damaciisa ku aaddan helidda marin-biyood.
Dowladda xabashida Itoobiya ayaa marwalba oo ay ka hadasho doonisteeda bad waxay ku hadal-qabsataa iskaashi ay la gelayso dowladaha gobolka balse waxa kaliya ee ay xoogga ku qabsanayso waa Badda Soomaaliya sababa la xiriira Eereteriya oo kal hore difaac adag ka xiratay.
Dowladda Ruushka ayaa taariikh soo jireen ah u leh isgarab taagga Itoobiya, sanaddii 1977-kii markii ay dagaallameen Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu ruushku gurmad dhan walba ah siiyay xabashida arrinkaas oo u suurta-geliyay in Itoobiyaanku dib u qabsadaan dhulka Soomaali Galbeed.