Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa ku geeryoodey habeenkii xalay ahaa magaalada Hargeysa sida ay soo tebiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland.
Axmed Siilaanyo ayaa ku dhashey magaalada Burco sannadkii 1936-kii waxa aanu ka soo shaqeeyay dowladdii Soomaaliya ee burburtey 1991-kii. Siilaanyo waxa uu Soomaaliya ka noqday wasiirkii qorshaynta markii dambena waxa uu ku biirey jabhaddii SNM ee gobollada Waqooyi waxa aanu noqday guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM.
Siilaanyo waxa uu sannadkii 2001 samaystay ururkii Kulmiye kaas oo doorashada madaxtooyada Somaliland u tartamey 2003 isla markaana ku guuldarraystey, laakiin sannadkii 2010 oo uu mar kale tartamey ayuu ku guuleystay doorashadii laga qabtey Somaliland taas oo uu ka degay 2017. Ugu dambeyn habeenkii xaley ahaa oo ay bishu ahayd 15 November, 2024 ayuu ku geeryooday magaalada Hargeysa.
Siilaanyo ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa ninkii furay wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya 2012 markaas oo uu Shariif Sheekh Axmed Madaxweyne ka ahaa Somalia.