Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay mid kamida diyaaradaha ay isticmaalaan ciidamada melleteriga wadankaas ee dagaallada adag kula jira jabhadaha mucaaradka ah.
Diyaarad nuuceedu yahay Helicopter ayaa ku dhacday madaarka caalamiga ah ee Belay Zeleke kaasi oo kuyaal magaalada Bahir Daar oo ah caasimadda ismaamulka Amhara.
Saraakiisha ammaanka ayaa diiday in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay shilkan, dhowr diyaaradood oo ku wajahnaa magaalada Bahir Dar ayaa hawada lagu celiyay waxaana loo diiday in ay ku degaan madaarka.
Warar ay warbaahinta mucaaradka Amxaaradu si aad ah iskula dhaxmareen ayaa sheegaya in diyaaradda burburtay uu la socday Jeneral Birhanu Jula oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidanka Itoobiya.
Jula ayaa la sheegay in uu ka badbaaday shilka diyaaradeed balse illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay in uu diyaaradda la socday iyo inkale, sidoo kale Jabhadda Faano oo wax laga weydiiyay diyaaradda ku burburtay garoonka magaalada Bahir Dar ayaa ka gaabsatay in ay wax war ah kasoo saarto.
Ismaamulka Amxaarada xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka jirta deegaanno dhowr ah oo si aad ah ay ugu loollamayaan maleeshiyaadka mucaaradka iyo ciidamada nidaamka Abiy Axmed.