Maamulka gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa si weyn uga cadhooday hadal kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan safiirro tagay Hargeysa oo soo dhaweeyey doorashadii ka dhacday Somaliland.
Dadka sida aadka ah hadalladaasi uga biyo-diiday isla markaana jawaabta adaga ka bixiyey waxaa ka mida Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo maamulka Soomaaliya ku tilmaamay mid fadhiid ah oo fashilmay isla markaana maraaya heer sakaraad ah.
Xildhibaan Guruuje ayaa sheegay in DF-ka Somaliya aanay siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan toona xor u ahayn, isla markaana muddo 24 sano ah gacanta lagu hayay, mushaharkoodana ay bixiso beesha caalamku.
Guruuje ayaa sheegay in dhawaan ay isaga huleeli doonaan dawladihii caalamka ee badhi-taari jiray DF-ka Somaliya, kuna dambayn doonto sidii Afganistan oo kale. Maadaama ayuu yidhi faro-madhnaan laga joogo masruufkii ku socday 24-ka sano.
"Kol haddii 24-kaa sanadood bogsan waydeen, ayaan dhaw maydhaxdii yarayd [Life support-kii] ee adduunyadu idinku xidhay waa la idinka furayaa, Muqdishona waxay ku dambaynaysaa halkii ay martay Kaabuul” ayuu yidhi Xildhibaan Guruuje.
Xildhibaanka oo faahfaahiyey sababaha ay beesha caalamku uga laalaabanayso Soomaaliya ayaa yidhi "Adduunyadu siniin miniin idinma masruufi karto, masaasadna afka idiinkuma hayn karto, nabad-galyadiinana kama shaqayn karto, kol haddaad meel gaadhi waydeen, waxan yar ee iska dhalnteedka ahi dhawaan wuu iska dhammaan doonaa”
Guruuje ayaa ka dhawaajiyey in maamul-goboleedyadii horey u hoos iman jiray Dawladda Federaalka Somaliya ay haatan marayaan marxalad kala-yaac oo mid waliba gaarkiisa isku maamulo.