Nebiat Getachew oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in qorshayaashii ay ka lahaayeen Soomaaliya ay sidoodii hore u sii socon doonaan, isagoo marnaba aan soo hadal-qaadin diidmada kaga timi DF-ka Somaliya.
Afhayeenka oo warbixin todobaadle ah oo soo baxday 14/11/2024 kaga hadlay arrimahan ayaa sheegay in Itoobiya aanay ka maarmayn Soomaaliya, siina wadi doonto fulinta aragtideeda istiraatijiyadeed.
Getachew, oo food-saaro ka dhiganaya la-dagaallanka Al-Shabaab ayaa yidhi "Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankayaga, dadaallada looga hortagayona waa ay sii socon doonaan xaalad walba si looga hortago inay khatar ku noqoto ama loo ogolaado in mar kale dib loo soo celiyo".
Hadallada afhayeenku ka dhawaajiyey waxay sii xoojinayaan damacoodii joogitaan ee ay ku rabeen inay ku qaataan Badda iyo Barriga Soomaaliyeed, iyagoo ugu soo gabanaya la-dagaallanka Xarakada Al-Shabaab, isla markaana aan waxba iskaga tirinayn, dhagahana ka furaystay dhawaaqyada DF-ka Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, shaaca ka qaadday in Itoobiya aanay ka qeyb-geli doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee la qorsheeyey inuu bilawdo Janaayo 2025-ka.