Diblumaasi Xabashi ah oo DF ku tilmaamay mid taak daran oo aad u liidata.

Sunday November 17, 2024 - 16:37:33
Liibaan Jeexoow
Dowladda xabashida Itoobiya ayaa weli sii waddo ihaanada ay ku hayso kooxda DF-ka Soomaaliya xilli xabashidu ay ku adkaysanayaan fulinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la galeen Muuse Biixi.
Ninkan oo lagu magacaabo Biruk Hailu oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada Itoobiya ayaa sheegay in kooxda Soomaaliya ay kaliya maamusho Gobolka Banaadir isagoo xusay in Al-Shabaab ay awood ballaaran ku leedahay Soomaaliya.

Diblumaasigan Itoobiyaanka ah ayaa kooxda Villa Somaliya ku sifeeyay mid taag daran oo aan u babac dhigi karin wajahidda caqabaha buuraha ah ee ku hor-gudban isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada in kooxdani ay dagaal kala hortagto ciidamada xabashida Itoobiya ee ku sugan qeybo ka tirsan Soomaaliya.

Mas'uulkan xabashiga ah oo u muuqday in uu ku maadaysanayay kooxda uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte ayaa carrabaabay in taageerada reergalbeedka la'aantood aysan kooxda Villa Somaliya maalinna sii jiri karin isagoo banaanka soo dhigay habacsanaanta ay kooxdani dhax muquuranayso.

Tan iyo markii uu khilaafku ka dhex-qarxay Villa Somaliya iyo nidaamka Abiy Axmed ayay saraakiisha Itoobiyaanku jeedinayeen hadallo ay ku bahdilayaan kooxdan oo dhammaan jawaab-celinnadii ay bixisay ay noqdeen waxba kama jiraan sida xiriddii qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa oo cidna aysan dheg jalaq usiin iyo dalabkii ahaa in ciidanka Itoobiya laga reebo howlgalka afrikaanta taasna ay Itoobiya ganafka ku dhufatay.

Related Items

Update cookies preferences