Reer-galbeedka oo ka walaacsan awoodda Al-Shabaab iyo khilaafka hareeyay ATMIS.

Saturday November 09, 2024 - 10:34:38
Liibaan Jeexoow
Mid kamid ah macaahida daraasaadka dowladaha reer galbeedka ayaa warbixin ka qoray xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo hadal-qaaday awoodda Xarakada Al-Shabaab, xili uu soo dhawaaday waqtigii uu ku egyahay howlgalka ciidamada afrikaanta ee ATMIS.
Warbixintaa oo uu daabacay Machadka daraasaadka ECFR ayaa lagu soo hadal-qaaday weerarkii duqeynta ahaa ee dhawaan ciidamada Al-Shabaab ku beegsadeen Xerada Xalane, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa waxaa lagu yiri:

"Axaddii aynu soo dhaafnay, saldhig milliteri oo ku yaala bartamaha Muqdisho, hooyna u ah masuuliyiin katirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah, ayaa la kulmay weerar duqeyn ah, durbana waxaa masuuliyada sheegtay Xarakada Al-Shabaab, oo u xusul-duubeysa iney riddo Dowladda Federaalka, tanina waxay muujineysaa xaaladda cakiran ee dalka, iyo sida ay weerarada hubeysan uga dhacayaan meel weliba”.

Dhanka kale waxaa maqaalkan uu qoray markazka Europian Council ee Cilaaqaadka dibadda, lagu soo hadal-qaaday fashilka ay ku dhamaatay xamladii Xasan Gurguurte uu labadii sano ee lasoo dhaafay uu kusoo qaaday deggaanada ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab.

"Ol’ole-dagaaleedkii lagu qaaday Al-Shabaab weli waxaa ku gacan-sareeya Xarakada Al-Shabaab, oo wei maamuleysa deegaanno ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Mar ay xarunta darasaadka ee ECFR soo hadal-qaadday, xaalad hubanti la’aan ee uu wajahayo isbihaysiga ATMIS, ayey sheegtay in ay Xarakada Al-shabaab la wareegi karto, goobaha ay banneeyeen ciidamada afrikaanta ah "Xarakada Al-Shabaab waxay ka faa’ideysan doontaa kala qeybsanaanta iyo khilaafka jira, taasoo horseedi karta fashil amni oo weyn, oo saameyn kara mandiqadda Geeska Afrika iyo Badda Cas”.

Related Items

Update cookies preferences