Iran oo beenisay eedda ah ku lug lahaanshaha shirqool la rabay in lagu dilo Donald Trump.

Saturday November 09, 2024 - 11:04:16
Liibaan Jeexoow
Maanta oo Sabti ah, Iran ayaa beenisay eedeymaha Mareykanka ee ku aaddan ku lug lahaanshaha shirqoollo dil ah oo la sheegay in loo soo maleegay saraakiil uu ka mid yahay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, waxayna shaacisay in aanay waxba ka jirin.
Iran ayaa sheegtay in eedeymahaasi, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsanayo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, ay yihiin "mid aan sal iyo raad toona lahayn," oo been-abuur ah.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran, kuna saxiixan yahay afhayeenka wasaaraddaasi Ismail Baqaa’i ayaa lagu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, oo gabi ahaanba aan la aqbali karin.

"Ku cel-celinta eedeymahan waa shirqool ay maleegayaan maamulka Sahyuuniyadda iyo cadawga Iran si ay u adkeeyaan arrimaha u dhexeeya Washington iyo Tehran." ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay nin lagu eedeeyay "in uu maleegayay shirqool la rabay in lagu dilo Donald Trump" ka hor inta aan loo dooran xilka madaxweynaha Maraykanka.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday eedeymaha ka dhanka ah Farhad Shakeri oo 51 sano jir ah, oo lagu soo oogay inuu gudbiyay qorshe lagu dili rabay Donald Trump.

Related Items

Update cookies preferences