Madaxweynaha cusub ee dowladda Mareykanka ayaa xilalka ugu muhiimsan ee xukuumaddiisa u magacaabay shakhsiyaad Mujrimiin caalami ah oo xasuuq kasoo geystay caalamka islaamka.
Warbaahinta ayaa si aad ah uhadal haysa ragga uu Donald Trump usoo xushay in ay hoggaamiyaan xukuumaddiisa cusub taasi oo talada lawareegi doonta 20-ka bisha Janaayo ee horraanta sanadda 2025.
Shakhsiyaadka hadalheynta badan dhaliyay ee Trump uu xukuumaddiisa kusoo daray waxaa kamid ah Pete Hegses oo laga dhigay wasiirka difaaca,ninkan ayaa hadallo uu warbaahinta ka jeediyay bilo ka hor wuxuu ku bogaadiyay xasuuqa ay ciidanka Yahuuddu ka wadaan magaalada Qaza.
Heseges waa saliibi cagjir ah oo xubin ka ah xisbiga midigta fog wuxuu caabudaa medebka dadka caddaanka ah isagoo wixii kasoo hara u arka xayawaanno aan mudneyn in ay dunida ku noolaadaan.
"Falasdiin waa dhulka Yahuudda iyo Nasaarada sidaas waxaa noo sheegaya Kitaabka Injiilka,muslimiintu xaq umalahan in ay kunoolaan Qudus ama Qaza" ayuu yiri wasiirka cusub ee difaaca Mareykanka.
Ninkan uu Trump u xushay hoggaaminta wasaaradda difaaca ayaa leh taariikh fog oo ladagaallanka muslimiinta ah, wuxuu kamid ahaa saraakiishii qeybta ka ahaa duullaannadii lagu qaaday wadamada Ciraaq iyo Afghanistan.
Sanadadii dambe isagoo howlgab ah ayuu ka shaqeynayay Telefeshinka Fox News wuxuuna ahaa falanqeeye Melleteri oo marwaliba bogaadin jiray duullaannada ay Yahuudda iyo Nasaaradu ku hayaan muslimiinta.
Sidoo kale Trump ayaa lataliyihiisa Amniga qaranka uxushay saliibi kale oo xagjir ah,waxaa kale oo isna CIA-da loo dhiibay sarkaal mujrim ah kaas oo lacirroobay ladagaallanka islaamka iyo ehelkiisa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in inta badan xukuumadda soo socota ee Trump ay dibad joog ka yihiin siyaasiyiinta calmaaniyiinta Mareykanka wuxuuna soo aruursaday xagjirayaal si toos ah ugu xiran kaniisadaha