Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu hambalyeeyay doorashadii maalintii Arbacada ka dhacdey maamulka la baxay Somaliland taas oo ay ku tartameen Muuse Biixi oo ah madaxweynaha maamulka iyo labada musharrax ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan-Cirro.
Warsaxaafadeedkan oo soo baxay goordambe oo maanta ah ayaa lagu yiri "Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Dimuquraadiga Federaalka Itoobiya waxa ay hambalyeynaysaa dadka reer Somaliland oo qabsadey doorasho dimuquraadi ah”
Waxa sidoo kale lagu yiri "Wasaaradda Dibeddu waxa ay ammaanaysaa Guddida Doorashada ee Somaliland oo qabtey doorasho xor iyo xalaal ah”
Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan Somaliland la saxiixatey heshiis xaaraan ah oo lagu bixinayo qayb kamid ah badda Soomaaliya taas oo muran weyn oo siyaasadeed dhalisay.
Doorashadan oo si weyn loogu saadaalinayo Cabdiraxmaan-Cirro in uu ku guuleysto ayaa la eegi doonaa sida uu ka yeelo MoU-ga Muuse Biixi la galey Itoobiya. Wareysi hore oo uu Cirro siiyey Warbaahinta BBC waxa uu sheegay in sharciga ay waafajin doonaan heshiiskaas.